25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Arag sawirro: Xasan Sheikh oo la kulmay dhalinyaro uu ku farxay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dalka Turkiga kula kulmay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar ay siinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Turkiga.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qaadanaya tababar kala duwan oo uu kamid yahay tababar duuliyenimada iyo tababarada sugida dhanka amaanka masuuliyiinta dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u muujiyay dhalinyarada uu la kulmay sida uu ugu faraxsan yahay iney dalkooda wax usoo bartaan isagoo kula dardaarmay iney ka faa’ideystaan waqtiga ay heystaan.

Wuxuu nahadcelin u jeediyay dowlada Turkiga oo tababarkaan u fidisay dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale kaga mahadceliyay dadaalka ay dowlada Turlkiga ugu jirto midnimada Soomaalida.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Turkiga kaga qeyb galay shirka xaalamiga ee loga hadlayo Bini’aadanimada oo ay ka qeyb galeen dowlado badan oo caalamka ah.

1 2 3 4

Caasimada Online
Xafiiska Turki
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News