25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Agaasime loo xiray xildhibaan laga wareystay idaacad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Hayada dambi baarista dowlada Soomaaliya ayaa muddo saacado ah xabsiga dhigtay agaasimaha idaacada Goobjoog oo kamid  ah idaacadaha magaalada Muqdisho kadib markii warqad loogu geeyay xafiiskiisa.

Xasan Maxamuud, agaasimaha Goobjoog Fm ayaa muddo saacado ah ku xirnaa xarunta hayada CID ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in haatan uu dib u helay xuriyadiisa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sababta loo xiray agaasimaha ay tahay kadib markii ay wareysteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo lagu xiray xarunta hayada dambi baaritsa ee CID.

Warbaahinta Goobjoog ayaa xaqiijiyay sii deynta agaasimahooda, mana jirto wax dhibaato ah oo loo geystay Xasan Maxamuud sida lagu daabacay website-ka idaacadda Goobjoog.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News