Kismaayo (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la kulmay golaha wasiirada maamulkiisa oo uu dhawaan soo dhisay, kadib markii muddo laga sugayay.
Axmed Madoobe, ayaa kulanka uu la qaatay wasiiradiisa wuxuu ahaa mid ah ku kala war qaadanayeen loogana hadlayay qabashada howlaha horyaala wasaarad walbaa.
Golaha wasiirada cusub ee Jubbaland ayaa kulanka ay la qaateen Axmed Madoobe waxay ka sheegeen iney ka shaqeyn doonaan qabashada howlaha loo xil saaray.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kula dardaarmay wasiiradiisa cusub iney ka shaqeyaan wax u qabashada dadka ay matalaan iyo danaha shacabka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

