Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsanaa Milliteriga maamulka Jubbaland ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan waxa uuna Dagaalka yimid kadib markii la xiray Askar ka tirsanaa Ciidamada Maamulka.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 2 Askari, halka dhaawacana uu ahaa mid intaa kasii badan.
Dagaalka kadib ayaa waxaa Jawi colaadeed mar qura isku bedelay Magaalada Dhoobley waxaana iminka xiran goobaha ganacsiga iyo kuwa waxbarashada.
Maamulka Dhoobley kama aysan hadal Dagaalka waxaana suuragal ah in mar kale uu dib u curto dagaalka maadaama Askarta xiran ee uu dagaalka ka bilowday ay wali yihiin kuwo xiran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

