28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF oo Gudi u xilsaartay Muuqaal dhawaan la baahiyay & NISA oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasaarada amniga ee xukuumada Soomaaliya ayaa gudi ka kooban seddex xubnood u xilsaartay baaritaanka muuqaal jirdil ah oo uu kasoo muuqday muwaadin Soomaalliyeed, kaasi oo jirdilka ay ku sameynayaan xubno ka tirsan hayada NISA.

Afhayeenka wasaarada amniga C/kaamil Macalin Shukri oo xubin ka ah gudigaasi ayaa warbaahinta u sheegay in gudigaan ay baaritaan ku sameyn doonaan muuqaalkaasi goorta la duubay iyo xaqiiqada muuqaalka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in xilka laga qaaday saraakiil ka tirsan NISA oo muuqaalka kasoo muuqday kuwaasi oo jirdilka kula dhaqaaqaya muwaadinka Soomaaliyeed islamarkaana baaritaano ay ku socdaan.

C/Kaamil Macalin, ayaa intaasi ku daray in gudiga uu ka kooban yahay wasaarada amniga iyo wasaarada xuquuqul insaanka ayna gaarayaan ilaa seddex xubnood sida uu sheegay.

Sida ku cad warqad uu warbaahinta usoo bandhigay afhayeenka waxaa gudigaasi ka warhaya madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka, waxayna baarayaan muuqaalka jirdilka ah iyo goorta uu dhacay.

Dhawaan ayaa warbaahinta waxay aad u hadalheysay jirdil saraakiil ka tirsan NISA ay u geysanayaan ruux ku sugnaa mid kamid ah xabsiyada magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News