28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Fadhiyadii BF oo u xayiran qorshe ay dejiyeen Xasan iyo Jawaari

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku heshiiyay qorshe lagu hakinayo fadhiyadii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii uu xeer madaxweyne soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo baarlamaanka loogala wareegay awoodii ansixinta heshiiska Doorashada 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa si qarsoodi ah ugu heshiiyay in la hakiyo kulamada Baarlamaanka kadib xeerka Madaxweyne inta ay ka degeyso xaalada ka dhalatay xeerka Madaxweynaha.

Qorshahan ayaa ah in muddo toddobaad ah fadhiyada Baarlamaanka aan la qaban ilaa 29-ka Bishan May, markaas kadib oo rajo laga qabo in xildhibaanadu iska iloobaan arrintan oo ay guda galaan sharciyada kale ee hor yaala.

Guddoomiye Jawaari ayaa fadhigii ugu danbeeyay ee Baarlamaanka hakiyay in cod loo qaado Heshiiska Doorashada isagoo u sheegay in madaxda Madasha Qaran ay codsadeen in la siiyo 2 maalmood, taasoo ay ka dambeysay wareegtada madaxweynaha ee Beesha caalamku ay taageertay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News