28.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Sawirro: Ganacsadaha heshiiska Dek. Berbera helay oo booqday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland gaaray wafdi uu hoggaaminaayo agaasimaha guud ee shirkadda DP World Sultaan Axmed Bin Suleymaan.

Wafdigaani ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa ayna kala hadleen Heshiiskii lagu kala wareejistay Dekadda Berbera.

Kulanka wafdiga Agaasimaha iyo Siilaanyo ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay kaasi oo khuseeyay Mashruuca Dekadda Berbera.

Wafdigaani ayaa la kulanka Siilaanyo kadib booqday Dekadda Berbera oo aheyd halka ay kula heshiiyeen maamulka Siilaanyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mamaulka Somaliland Sacad Cali Shire iyo agaasimaha guud ee shirkadda DP Wolrd Sultan Axmed Bin Suleymaan ayaa sheegay in Dekadda Berbera ay ku haboon tahay ganacsiga xamuulka ah.

Labada mas’uul ayaa sheegay in Dekadda ay iminka u shaqeyso qaab fiican kaliyana ay u baahan tahay dayactir.

Agaasimada shirkadda DP Wolrd Sultan Axmed Bin Suleymaan ayaa yiri ”Ujeedkeena kormeerka waa Dekadda Berbera, waxaan indha indheynay qaabka ay howsha u socon laheyd. Dekadda aad ayay ugu wacan tahay shaqada Heshiiskana wuu hirgalay”

Agaasimaha guud ee shirkada, Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa sheegay in dekadda Berbera ay tahay meel ku haboon in la maalgashaddo, isla markaana shacabka ugu bushaareeyey maalgalinta ay ku samaynayaan dekadda Berbera.

Agaasimaha waxa uu sheegay in shirkadda DP Wolrd ay ka faa’iideysan doonto fursada ay ku maalgishan doonto Dekadda Berbera.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Dekada Berbera1

Dekada Berbera2

Dekada Berbera3

Dekada Berbera4

Dekada Berbera5

Dekada Berbera6

Dekada Berbera7

Dekada Berbera8

Dekada Berbera9

Dekada Berbera10

Dekada Berbera11

- Advertisement -

Read more

Local News