Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatuma ayaa jeediyay hanjabaad adag oo ka dhanna maamulka Somaliland, isagoo ku hanjabay iney qabsan doonaan degmada Laascaanood ee gobolka Sool.
Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr ayaa si cad u sheegay in shan bilood kadib ay ku shaqeyn doonaan magaalada Laascaano oo ay hadda maamulaan maamul hoostaga Somaliland, sida uu ku hanjabay Galeyr.
Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu isku diyaarinayo sidii uu ula wareegi lahaa gacan ku heynta magaalada Laascaano oo uu ku shaqeyn lahaa maamulka Khaatumo, sida uu hadalka u dhigay.
Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka Khaatumo ayuu sheegay in lagu qaban doono magaalada Laacaanood ee gobolka Sool, oo magaaladaasi ay noqon doonto magaalo Khaatumo ay maamusho.
Cali Khaliif ayaa dhexda kaga jira labo maamul uu ka awood weyn ee kala ah Somaliland, iyo Puntland waxaase wali uusan heysan awooda ah aqoonsiga dowlada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

