Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa iminka joogsaday Qaraxyada iyo Rasaastii laga dhex maqlaayay Gudaha iyo banaanka sare ee Hoteel Ambassador.
Ciidamada Amaanka ayaa iminka ku sugan gudaha Hoteelka waxa ayna kala soo cayaan Meydadka oo u badan kuwo madaxa laga toogtay.
Ciidamada ayaa banaanka usoo saaray ilaa Shan Meyd oo qaarkood laga jaray xubnaha jirkooda kuwaasi oo kamid ahaa shaqaalaha Hoteelka iyo dadkii rukunka ahaa.
Dadka Meydadkooda gudaha laga soo saaray ayaa waxaa ku jiray ilaalo ka tirsanaa kuwa Hoteelka oo naf kula cararay gudaha Hoteelka.
Saraakiisha Ciidamada NISA ayaa sheegay in Meydadka qaar ay yihiin kuwo u dhintay dhiigbax, halka qaar kamid ahna ay u muuqdaan kuwo Saakay la dilay.
Ciidamada Dowlada ayaa iminka howlgal ka dhexwada Hoteelka waxa ayna ku dadaalayaan sida Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ay ku siin lahaayen warbixin muujineysa tirada dhimasho iyo dhaawac ee saxda ah.
Dadka saacadihii ugu danbeeyay laga soo badbaadiyay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaano uu soo gaaray dhaawac culus oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Cumar, kaasoo dhaawacmay, markii uu dhismaha Hotelka ka soo booday.
Jawiga ayaa hadda ah mid degan, waxaana la xaqiijiyay in guud ahaa dhimashadu gaareyso 15 qof, halka 50 kalana ay ku dhaawacantay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

