27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sheekh Shariif oo ka carrooday Kenya una yeeray Amina iyo USA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay wasiirka arimaha dibada Kenya Aamina Maxamed iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Mareykanka.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo si weyn looga taageersan yahay Kenya ayaa wuxuu kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibada Kenya kagala hadlay arimaha Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dhadhaab.

Sheekh Shariif ayaa aad uga carreysan go’aanka dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga, isaga carrada uu qabo iyo sida uu uga niyad jabsan yahay u muujiyey dowladda Kenya.

Sheikh Shariif ayaa kala hadlay dowlada Kenya arimaha dib u celinta qaxootiga oo dowlada Kenya ay go’aansatay iney dib dalkooda ugu celiso, maadaama la qorsheeyay in la xiro xerada Dhadhaab.

Dhinaca kale madaxweyne Sheikh Shariif ayaa magaalada Nairobi kula kulmay siihayaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxayna ka wadahadleen taageeraada Mareykanka uu siiyo dowlada Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale dowladda Mareykankau sheegay inuusan ku faraxsaneyn oo uu ka carreysan yahay dowladda Kenya.

Wuxuu weydiistay iney ku taageeraan doorashada sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya, waxaana uu sheegay inuu musharax yahay, walow uusan walu Soomaalida u shaacin musharaxnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News