25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Diyaarado gantaalo culus ku garaacay Buuraha Galgala

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal nooca qumaatiga u kaca ay duqeyn lixaad leh ka geysteen Buuraha Gal-gala.

Diyaaradahaani ayaa la sheegayaa in dhowr Gantaal ay ku dhufteen halkaasi islamarkaana dhowr kale ay ku dhufteen goob kale oo iyana loo badinaayo inay saldhig u aheyd Argagixisada Somalia.

Diyaaradaha duqeynta geysanaayay ayaa la sheegayaa inay ka imanayeen dhinaca badda, ayada oo aan la aqoon dalka laga lee yahay.

Sida ay ku warramayaan dadka deegaanka, duqeymaha qaarkood ay saameeyeen goobaha dadka shacabka iyo xoolo, inkasta oo aysan caddeyn khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhashay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Diyaarado ay duqeymo ka geysteen Buuraha Gal-gala sidoo kalena duqeymahaasi ay sababeen khasaare.

Waxa uu intaa ku daray in ay aad uga walaacsan yihiin Diyaaradaha duqeymaha ka geysanaya Buuraha Gal-gala.

Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha balse waxaa jiro warar sheegaya in diyaaradaha ay beegsadeen Saldhigyo ay lahaayen argagixisada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News