28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Maxaa sababay amni darada iyo gadoodkii askarta Galkacyo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo waxaa maalin ka hor ka dhacay dil loo geystay gudoomiyihii ururka haweenka ee gobolka Mudug, oo dilkeeda ay ka tacsiyeeyeen masuuliyiintii hore ee Puntland.

Dilkaasi kadib waxaa magaalada Gaalkacyo laga dareemayo qalqal dhanka amaanka ah, iyadoo ay sii raacday gadood ay sameeyeen ciidamada magaalada Gaalkacyo ku sugnaa.

C/rashiid Xasan Xaashi oo ah taliyaha ciidamada Birmadka ee Mudug ayaa shaaca ka qaaday sababaha keenay dhibaatada amni daro ee magaalada iyo kacdoonkii ay sameeyeen ciidamada Puntland.

Wuxuu ugu horeyn sheegay iney jiraan daruufo kala duwan oo sababay in amniga magaalada uu faraha ka baxo, waxaana ugu horeeya dhibaatada ay qabaan ciidamada maamulka Puntland sida uu sheegay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in daruufo dhaqaalo, mid agab iyo labiska ciidamada ay heysato ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo sida uu sheegay.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa Ilgaar ah ku eegaya talaabada ay qaadayaan ciidamada Amnigu mar kasta oo ay wax dhacaan,sida uu sheegay, waxaana muuqata Habacsanaan weyn oo dhanka amaanka ah

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News