Muqdisho (Caasimada Online) – QM ayaa durbadiiba faragalin ku sameysay baarista lagu hayo Markabka lagu magacaabo MV-LIBERTY ee iminka ku xiran Xeebaha Jabuuti, kaasi oo laga dhex helay dukumiintiyo mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole ee DF Somalia iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia.
Kiiska baaritaanka markabka MV-LIBERTY, ayaa waxa uu faraha lasii galay mas’uuliyiin badan waxaana la xaqiijiyay in markabkaasi uu u socday Kooxda Xuthiyiinta Yemen ee dagaalka kala soo horjeeda Dowlada Yemen.
Markabka ayaa waxaa lagu raray qorshaha Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo ay xubno ka yihiin Mas’uuliyiin badan, waxa ayna sirtaani banaanka timid kadib markii maamulka Hay’adda is khilaafeen taasi oo saraqaaday danbiga.
Xildhibaan Faarax C/qaadir oo kamid ah BFS ayaa si ogolaansho ah raali uga noqday in magaciisa lagu kireeyo Markabka, hayeeshee waxa uu isku dayay in arrintaani uu dib uga baxo kadib markii ay ku fashilmeen Xeebta Jabuuti.
Kooxdaani ayaa deeq raashiin gaarsiiya Xuthiyiinta waxa ayna qeyb ka yihiin dadka falalka argagixiso ka dhex wada dalka Yemen.
QM ayaa iminka loo gacan galshay kiiskaani waxa ayna Dowlada Jabuuti sii say Nuqulo kamid ah Dukumiintiga oo ay ku jiraan ilaa 6 mas’uul oo ku kala jira labada Gole iyo Villa Somalia.
Kiiskaani ayaa Dowlada Somalia u sahli kara in lagu tuhmo ku lug lahaanshiyaha amni darada ka taagan dalka Yemen.
Geesta kale, Deeqdaani loo waday Kooxda Xuthiyiinta Yemen ayaa waxaa markii horaba lagu sii wargaliyay Sirdoonka Jabuuti, hayeeshee waxa ay tani fashil iyo fadeexaba u keentay DFS.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

