25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Xog: Faarax C/qaadir oo dalbaday WARQAD lagu badbaadinaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku aadan kiiska Xildhibaan Faarax C/qaadir ee ku aadan Markabka gargaarka sida ee ku wajahnaa Kooxda Xuthiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo kiiskaasi dhexda kaga jira ayaa waxa uu iminka Xeer ilaalinta Qaranka ka dalbaday warqad lagu beeninaayo Kiiska kusoo baxay Faarax C/qaadir oo isagu kamid noqday dadka garabka siiya Kooxaha Argagixisada.

Xildhibaan Faarax ayaa warqadaasi ka dalbaday Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir, oo isagu iminka laga filaayo in badbaado uu u noqdo Faarax C/qaadir.

Dowlada Jibuuti ayaa iminka baaritaan lixaad leh ku heysa Dukumiintiyada laga helay Markabkaasi gargaarka u waday Kooxda Xuuthiyiinta ee uu kireeyay Xildhibaan Faarax.

Sidoo kale, kiiskaani ayaa iminka gaaray heerkii ugu xumaa kadib markii QM ay heshay xogta rasmiga ah ee ku aadan Xiriirka ka dhexeeya Faarax C/qaadir iyo Xuuthiyiinta.

Kiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqday Mahad Salaad oo isna ah Wasiiru dowle, waxaana ku wehliya ilaa Lix mas’uuliyiin oo iyaguna ka tirsan Dowlada.

Kiiskaani aadka u culus ayaa u muuqda inaanu waxba ka bedeli karin warqada lagu soo xariiqay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Dhanka kale, Faarax C/qaadir ayaa iminka cabsi ka qaba in lagu daro liiska QM ee dadka maalgaliya Argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News