Puntland oo ka hadashay dagaal-ka iyo xildhibaanada la afduubay

Garowe (Caasimada Online)- Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa si kulul kaga hadlay dagaaladii saaka ka dhacay deegaanka Bood oo ka tirsan gobolka Sanaag, kaasi oo u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland.

Xildhibaanada oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in dagaalkii saaka uusan aheyn mid qabyaalad ku saleysan balse uu yahay mid qaran oo ciidamada Somaliland ay soo qaadeen.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in dagaalada  ay yihiin kuwo ayaan darro ah oo la doonayo in lagu baabi’iyo midnimada deegaanada Puntland ka taagan, sida ay sheegeen.

Dhinaca kale xildhibaanada ayaa xaqiijiyay in ciidamada Somaliland ay afduubteen xildhibaano kamid ah baarlamaanka Puntland oo deegaanada lagu dagaalamay ku sugnaa.

Gudoomiyaha Puntland ugu magacaaban gobolka ay ugu magac dareen Haylaan ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada Somaliland ay kusoo duulen deegaanka maanta dagaalka uu ka dhacay.

Caasimada Online
xafiiska Nugaal
Caasimada@live.com