Dood ka taagan laba kursi oo ah BF 2016 (Jubaland iyo Galmudug)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Maxamed Sandheere ayaa ka horyimid go,aan ay wadaan siyaasiyiin ay isku heyb yihiin kaas oo ay ku doonayaan labada kuraas ay madasha u qoondeeysay oo laga siiyay deegaanada maamulka Galmudug in badalkeed laga siiyo deegaanada Maamulka Jubba taas oo ay siyaasiyiin isla beeshaas ah dhawaan utageen Kismaayo si xubnaha kuraasta ay kuleyihiin xildhibaanada cusub ay uga soo galaan deeganada maamulka Jubbaland

Hayeeshee Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Sandheere ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in khilaaf laga dhex abuuro dad walaalo ah ooh al u jeedo ah wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan dhici doonin kuraasta Galmudug taalo oo beel ahaan ay madasha uga heleen inaysan cidna qaadi Karin isagoo sheegay in madasha ay horay u qoondeeysay iyaguna ay soo dhaweyeen ama ay ayidiin heshiiskii madasha

Sandhere ayaa sheegay kuraasta halaga qaado Galmudug in micnaheedu ay tahay inaysan deegaanku daganeyn isaguna uu yahay Mudane kasoo jeeda deeganada Galmudug waa sida uu sheegay

Wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta u ololeyneysa in kuraasta taalo Cadaado ee la geeyo Kismaayo ay tahay Ayaan daro ayna wataan siyaasiyiin dano gaar wata oo kahor imaaneysa siyaasada reerka balse uu sheegay in isku daygaas aan laga aqbali doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com