Xog: Gaas iyo Axmed Madoobe oo MUQDISHO isku ballansaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalooyinka Kismaayo iyo Garowe ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay isku balansadeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka  Koonis Stadium.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne C/Welli Gaas iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe labadooda si wadajir ah ay u dalbadeen iney yimaadaan magaalada Muqdisho si ay kaga qeyb galaan Final-ka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

Xiriirka kubbada Cagta Soomaaliyeed ayaa aqbalay codsiga labada madaxweyne waxaana dib loo dhigay ciyaarta kama dambeysta ah ee la filayay iney beri Muqdisho ka dhacdo, waxaana loo balamay maalinta Tallaadada.

Jubbaland oo rigoorayaal kaga badisay Banaadir ayaa usoo gudubtay Finalka ciyaaraha, waxaana ay la ciyaarayaan kooxda Puntland oo la aamisan yahay iney garsooraha Finalka kusoo gaareen, maadaama gool qalad ahaa uu ku saxay xulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ciyaarta kama dambeysta ee u dhaxeysa Jubbaland iyo Puntland ayaa la ciyaarayaa maalinta Tallaadada 03:30 pm sida xiriirka kubbada cagta ay ku dhawaaqeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com