Madaxda Somaliland u matalaya DF oo ku dhow inay iska baxaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa si adag kaga hadlay shirkii madaxda madasha ee lagu soo idleeyay magaalada Muqdisho, kaasi oo cabasho badan ay ka muujiyeen.

Xildhibaan Qadra Axmed Ibraahiim, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa si cad u sheegay ineysan marnaba ku qanacsaneyn waxyaabaha kasoo baxay shirkii shalay kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.

Odayaal kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo ay la joogeen wasiiro ka tirsan xukuumada kana soo jeeda deegaanada waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay ka dhoofayaan haddii aan lagu qancin natiijada qeybinta xubnaha baarlamaanka ee deegaanada waqooyi kusoo aday.

Xildhibaan Qadro ayaa dhankeeda sheegtay in dowlada Soomaaliya marar badan ay kala hadleen in meel cidlo ah aan lagu lumin xubnaha Somaliland u matalaya aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana ay sheegtay in natiijo aysan fileyn iney kala kulmeen markii shirkii madaxda madasha lasoo idleeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com