Xog: Arrin Xasan uu ka damacsan yahay doorashada oo la kashifay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh ayaa sheegay in talaabooyinka ay qaadeyso dowlada Jahwareer ku rideen Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Somalia.

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta sida xoogan kaga soo horjeeda Siyaasada dowlada Somalia, ayaa sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay inay la imaado Siyaasad qeexeysa sida ay wax u wado, waxa uuna cadeeyay in Siyaasada ay hadda wado xitaa ay Caalamka ku wareersan yihiin.

Siyaasada dowlada uu Hogaamiyo Xassan Sheekh ayuu sheegay inay tahay mid aan laheyn aasaas waxa uuna cod dheer ku sheegay in Beesha Caalamku ay qaati ka taagan tahay qaabka ay wax u socdaan.

Salaad Cali Jeelle waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka qudheeda ay ka niyad jabsan tahay Doorashada Somalia in sanadkaan waqtigeeda ay ku dhici karto, balse waxa uu taasi ku micneeyay inay tahay Siyaasad xumida dowlada.

Wuxuu madaxda dowlada ku eedeeyay in ay ka caga jiidayaan Doorashada Somalia in waqtigeeda la qabto, isaga oo sabab uga dhigay indha sarcaadinta ay la daaladhaceyso dowlada Somalia.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dowlada Somalia ay meesha ka saartay awooda iyo Jiritaanka Baarlamaanka Somalia, waxa uuna taasi ku micneeyay in Madaxdu ay la safan yihiin Xassan Sheekh oo isagu ku fashilmay Siyaasada Somalia.

Awooda Baarlamaanka ayuu cadeeyay inay ku shaqeeyaan Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran, taa oo iftiimineysa Siyaasada guracan oo ay dheeleyso dowlada ku fashilantay qabashada doorashada.

Haddalka Salaad Cali Jeelle ayaa meesha ka saaraya daacad nimada ay sheegtaan Madaxda Qaran kuwaasi oo inta badan ka caga jiida waxa uu sharciga qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com