Video: “Hawiye waxaa ku socda dagaal lagu billaabay maalinkii ay ka adkaadeen ciidanka Ethiopia”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Cabdi Ugaas Nuur oo ah ugaaska beesha Ceyr oo ka hadlay shirkii beelaha Hawiye ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in beesha Hawiye dagaal dhan walba ah lagu hayo.

Caasimada Online waxay horey u shaacisay marar badan in dagaalka beesha Hawiye lagu hayo uu horboodayo Xasan Sheekh oo dadkiisa iyo deeganadiisa iibsaday.

Ugaaska ayaa sheegay in markii Hawiye uu awoodiisa muujiyey, oo iska kiciyey ciidamada Ethiopia ee deegaanada Hawiye oo Muqdisho ay ku jirto qabsaday lagu billaabay dagaal siyaasadeeed.

“Wixii markaas ka dambeeyey Hawiye dagaal ayaa lagu hayaa oo Soomaalida kale ay qeyb ka tahay, dalalka deriskana ay wadaan” ayuu yiri Ugaaska oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Muqdisho.

“Goormuu Hawiye noqday mid loo tashado oo lagu maamulo talo uusan raali ka ahayn” ayuu yiri.

“Waxaa la yiraahdaa Hawiye asagaa madaxweyne ka ah dowladda, anaga madaxweyne kama nihin dowladda, magacaa na raacay maahee kaas nooma xisaabna” ayuu yiri Ugaaska oo bah-dilay Xasan Sheekh.

Halkan hoose ka daawo khudbaddiisa