Weriye Africa oo xaaladiisa ka hadlay fariinna u diray ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye C/Casiis Maxamuud Guuleed Afric, oo kamid ah wariyaasha idaacadda dowlada ayaa ka sheekeeyay dhaawac soo gaaray maalintii shalay kadib markii rasaas lagu furay gaari uu la socday.

C/Casiis Africa ayaa sheegay in dhibaato xanuun badan ay aheyd markii gaari ay la socdeen rasaaseeyeen ciidamo kale oo amaanka xaqiijinayay, wuxuuna sheegay in gaarigooda uu ahaa mid booliska uu leeyahay.

“Waxaan la soconay gaari booliska leeyahay oo degmada Waaberi aan kasoo raacnay maadaama waddooyinka xirnaayeen, laakiin nasiib daro annagoo u sheegeyno dadka aan nahay ayaa haddana nala rasaaseeyay”ayuu yiri Africa.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada ayuu sheegay in ciidamadiisa ay soo weerareen gaariga ay la socdeen, wuxuuna saraakiisha ciidamada ka dalbaday in dadka dhibaatadaasi geystay lala xisaabtamaa.

Dhaawaca Wariye Afrika ayaa ka soo gaaray mid kamid ah Lugtiisa,waxaana hadda uu yahay mid Wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com