Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saakay lagu wadaa in Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho uu kasoo dego Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Wararka ka imaanaya Garoonka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo qabanqaabadii lagu soo dhaweyn lahaa Sheekh Shariif, waxaana xiran inta badan waddooyinka ku dhowdhow Hooyga uu degi lahaa Sheekh Shariif oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde.
Qabanqaabada lagu soo dhaweynaayo Sheekh Shariif ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowladii KMG aheyd.
Amaanka Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa la wareegay ciidamada AMISOM, waxaana sidoo kale Garoonka ku qulqulaaya Gaadiid ay la socdaan ciidamada dowlada kuwaasi oo sida mas’uuliyiin soo dhaweyneysan Sheekh Shariif.
Sidoo kale, waxaa Garoonka ku qulqulaaya gaadiid farabadan oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM oo si gaar ah ula wareegi doona amniga Sheekh Shariif.
Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ayaa la suray sawirka Shariif oo ku qornaa halku dhigyo lagu taageerayo Musharaxnimadiisa iyo erayo kale oo lagu muujinayo waxqabadkiisa, xilligii uu ahaa Madaxweynihii dowladdii KMG.
Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho inuu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha.
Dowlada Somalia ayaa culeyska saareysa inaan Garoonka Aadan Cadde soo dhaweyn fiican uusan kula kulmin Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]