24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo ka digay qataro culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Cadde Xasan Gaabow ayaa maadaama dalku galay xilli kala guur ah iyo doorashooyin lala gabi-dhaclaynaayo ka digay inuu dalku galo xaalado aan dalka laga badbaadin karin, jiilasha danbena qatar ku ah.

Wuxuu si aad uga dayriyay dawladda hadda waqtigeeda dhamaaday inay culaysyadii ay hore u abuurtay oo ahaa (is nacayb bulsho, maamul-xumo, musuqmaasuq) inay ololaha siyaasadeed ay ku jirto dalka gacanta u galiso shisheeye dano guracan ka leh gayiga Soomaaliyeed.

Gudoomiye Cadde wuxuu intaa ku daray in musharixiinta u taagan xilalka Xildhibaanimo iyo kuwa Madaxwaynenimo ay maanka ku hayaan inuu dalku joogo xilligii la samato-bixin lahaa oo aanan lagu fiirsanin dayacaadda soo gaamurtay oo muumulkii u danbeeyay uu ku sifoobay.

Ugu danbayn, Gudoomiye Cadde wuxuu la dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay meesha ka kacaan oo aysan madaxdooda (wakiiladooda) aysan jeeg cad siinin balse ay la-xisaabtan iyo talooyin joogta ku biiriyaan hogaanka ay u wakiishaan mas’uuliyaadka qaran, gobol, degmo iyo tuulaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60