JAWAARI oo qaati laga taagan yahay & Cabasho ka timid Beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Xili magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ay ka socoto shirar kala duwan oo lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa soo baxaaya in Siyaasiyiinta qaar ay cabasho ka muujinayaan talaabooyin aan wanaagsaneyn oo uu qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Siyaasiyiinta qaar ee ku beesha ah Jawaari kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ka hor istaagay xubinimada Baarlamaanka Somalia.

Siyaasiyiinta waxa ay sheegen in markii hore ay kamid ahaayen Xubnaha ay aqbaleen Ergada Beeshooda, hayeeshee markii Jawaari uu imaaday magaalada Baydho uu lugta ku dhuftay inta badan Xubnihii la aqbalay.

Waxa ay sheegen in boosaskii laga saaray lagu buuxiyay shaqsiyaad kale, hayeeshee aysan garankarin ilaa iyo iminka sababta looga saaray booska.

Jawaari ayay sheegen in booskaasi uu ku buuxiyay Xildhibaano hadda ka tirsan Baarlamaanka sii dhacaaya, halka qaarna lagu buuxiyay Xubno Siyaasiyiin ah oo aan horay uga dhexmuuqan Siyaasada.

Jawaari ayaa marka la’eego Siyaasad ahaan ku dhow Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay in ujeedka socdaalkiisa Baydhabo uu ahaa abuurista Xildhibaano cusub oo u nugul amarkiisa.

Docda kale, Jawaari ayaa xooga saaraya sida uu mar kale kusoo laaban lahaa Xassan Sheekh Maxamuud oo iminka ku guda jira ololihiisa doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com