Xog: Olole haweeney caan ah looga dhigayo afhayeenka baarlamanka cusub oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa isi soo taraya iqorshe xilka guddoomiyaha baarlamaanka loogu dhigayo shaqsi ka soo jeeda Somaliland.

Qorshahan ayaa waxaa si wadajir ah u wada qaar ka mid ah beesha caalamka iyo siyaasiin kasoo jeeda Beelaha Daarood iyo kuwa DIR gaar ahaan dirta waqooyi.

Wararka ayaa sheegaya in Fowziya Xaaji Aadan loo badinayo in ay u tartanto kursiga guddoomiyah Baarlamaanka, taasoo haddii ay ku guuleysato aay Soomaaliya heli doonto fursad ay kaga baxaan siyaasaddan cakiran.

fowziaFowziya ayaa waxaa lagu tilmaamaa in aay tahay shaqsi aad ugu cabboon dhanka siyaasadda arrimaha dibadda iyadoo soo qabatay xilka R/W Ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, taasoo intii xilka aay haysay ay Soomaaliya ku guuleysatay in ay soo ceshato cisadii iyo karaamadii aay ku lahayd adduunka.

Haddaba, haddii aay dhacdo in kursiga guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ay ku guuleysato Fowziya Xaaji Aadan ama qof ka socdo beelaha Isaaqa, ayaa aad u adkaan doonta isla markaana mugdi weyn gelin doonta siyaasadda iyo hamiga Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo dadka ka faalooda siyaasadda ay ku macneeyeen in Shariif Xasan iyo Beesha Digil & Mirifle ay gebi ahaanba ka bixi doonaan masraxa siyaasadda iyo saameynta ay hadda ku leeyihiin.

Axmed Muxudiin Cali, oo ah aqoonyahan ayaa waxaa uu sheegay in rajada beeshiisa Digil iyo Mirifle ee guddoomiyaha Baarlamaanka ay hadda tahay 100% haddiise buu yiri ay dhacdo in aan weyno kursigaas, rajada beesheyda aay ku heleyso Madaxweyne iyo R/W ay ka hooseeyso 10%. Taasna aay keeni doonto in dagaal sokeeye uu ka dhex dhaco beesha taasoo aan aaminsanahay buu yiri in aay mideyn doonto dhammaan beelaha Digil iyo Mirifle in ay meel uga soo wada jeestaan Shariif Xasan iyo walaalihiis.

Cali Ibraahin Isaaq, oo isna ka hadlayay arrinkan ayaa ku tilmaamay hunguri weyninka Shariif Xasan uu aakhirka isaga ay salfan doonto seefta siyaasadda haddii buu yiri aanu joojin hanqaltaagan aan mira dhalka ahayn ee uu isugu soo sharaxayo jagada Madaxweyne.

“Waanu ognahay in aanu heleyn Shariif Xasan in uu dalka Madaxweyne ka noqdo balse haddii uu hunguri weyninkiisa siyaasadeed aanu ku weyno kursiga guddoomiyaha baarlabaanka, uu isna weyn doono waxa uu hadda heysta iyo ka badan” ayuu yiri.

Fowziya Xaaji Aadan ayaa la hubaa in aay si sahal ugu guuleysan doonto kursigaas sababahan aawgood

1. Iyadoo hubaal aay tahay in ay heli doonto dhammaan codadka haweenka 30% ee loo qoondeeyay labada aqal oo kor u dhaafaya 100, iyo kuwa beelaha Hawiye, Dir iyo Daarood.

2. Arrinkan oo ay taageeri doonaan dhammaan Somalida iyo beesha caalamka in qof haween ah aay ka mid noqoto seddex masuul ee ugu sarreeysa dalka.

3. Beesha aay ka dhalatay ee Somaliland oo quursi ka noqon doonta hanqal taaga gooni isu taaga ah oo aay rabaan in aay Soomaaliya uga go’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com