28.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Qeybo kamid ah Xabsiyada Ethiopia oo la faarujiyay & Wasiir ka hadlay dadkii lasii daayay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa xabsiga ka sii deysay ilaa iyo 2,000 oo qof oo isbuucyadii la soo dhaafay xabsiga la dhigay.

Dadkaani faraha badan ee laga siidaayay Xabsiyada dalkaasi ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayen rabshadihii dalkaasi ka dhacay bilooyinkii la soo dhaafay.

Siraj Fegessa oo ah Wasiirka difaaca Ethiopia, ayaa sheegay in dadka lasii daayay ay kasoo laabteen mowqifkii ay kaga soo horjeeden xasiloonida waxa uuna intaa raaciyay inay ka waantooben khaladaadkii ay ku kaceen.

Siraj Fegessa, waxa uu sheegay inay jiraan tirro kale oo wali ku jira xabsiyada balse iyaguna ay ku hayaan baaritaano si loo xaqiijiyo isbedelka ku imaaday Mowqifkooda.

Siraj Fegessa, waxa uu sheegay in sidoo kale 20-kii bishan October, ay ciidamada amaanka xireen in ka badan 2,600 oo qof kuwaasi oo lala xiriirinaayay rabshada socda.

Xariga dadkaasi ayuu sheegay in loo cugsanayo sharciga deg degga ee dalka lagu soo rogay horrantii bishan ka dib markii ay dhaceen dibedbaxyo lagu diidan yahay dowladda.

Sidoo kale, Kooxaha Mucaaradka ayaa dalbanaya in la siiyo xorriyad dhinaca siyaasadda ah .

Dhinaca kale, Kooxah xuquuqda aadanaha ayaa horay u sheegay in 500 oo qof ay ku dhinteen dibedbaxyadii socday isbuucyadii la soo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News