28.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal oo Caawa qalqal galinaaya Degmada Qandala

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi Caawa lagu arkaayo diyaarado jawi hoose ku socda oo dul heehaabaya Qandala.

Diyaaradaha Caawa dul heehaabaya Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ayaa la sheegayaa inay gaarayaan ilaa 2 diyaaradood kuwaasi oo marba isbedelaaya.

Diyaaradahaani ayaa sidoo kale la sheegay inay kasoo kictameen Maraakiib kusoo xirtay meel aan sidaa uga sii fogeyn Xeebta Qandala.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Qandala Saciid Maxamed Waaberi, ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibta shisheeye ay ku soo dhawaadeen Xeebta Degmadaasi isla markaana Degmada ay isaga baxeen qoysaskii yaraa ee ku haray.

Maraakiibta iyo Diyaaradaha dagaal ee dul heehaabaya Hawada iyo Xeebta Degmada ayaa laga cabsi qabaa inay fuliyaan duqeymo lagu baacsanaayo Daacishta Somalia ee ku dhuumaaleysaneysa Degmada Qandala.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa iyaguna isku uruursanaaya deegaan duleedka ka ah Degmada Qandala kuwaasi oo duulaan ku ah Daacishta Somalia.

Xaalada Degmada ayaa Caawa ah mid kacsan waxaana laga cabsi qabaa in si lama filaan ah ay u dhacdo Duqeymo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News