Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa sheegaya in caqabado badan ay ka heysato helida Liiska xubnaha gobollada waqooyi u matali lahaa Aqalka Sare ee dalka.
Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in sababta loo soo gudbin la’ yahay Liiska ay tahay Khilaaf ka dhextaagan waxgaradka gobollada waqooyi ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Khilaafka u dhexeeya Waxgaradka ayaa sidoo kale waxaa sabab looga dhigay faragalin Waxgaradka kaga imaaneysa Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo isaga ku cadaadinaaya in lasiiyo kuraas ka badan tirada iminka lasiiyay.
Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ayaa garab kamid ah Waxgaradka gobollada waqooyi kaga sugan Muqdisho ku cadaadinaaya inay diidaan ka qeybgalka doorashada ama in lasiiyo 14 Kursi, halka iminka laga siiyay kuraas ka yar tan Puntland ay qaadatay.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ku guul dareystay inay qanciyaan Waxgaradka gobollada waqooyi, waxa ayna arrin laga wanaagsan yahay ku sheegen in Somaliland ay arbushaad la dabataagan tahay howlaha DFS ee ku aadan doorashooyinka.
Sidoo kale, Waxgaradka gobollada waqooyi ayaa kabiya diiday in Dowlada Somalia ay kala gorgortamaan Kuraasta yar ee iminka lasiiyay.
Haddii laga heshiiyo murankaani ayaa waxaa la filayaa in Liiska xubnaha aqalka sare ee gobollada waqooyi ay ka soo muuqdaan xubno ka soo jeeda gobolladaasi oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo kuwa hadda ka haya.
Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa aqalka sare ee ka imaanaya loogu daray seddex xubin oo dheeraad ah marka loo eego kuwa ka imaanaya dowlad goboleedyada kale oo min siddeed xubin ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

