28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Maxaa kusoo kordhay duqeymihii Qandala iyo Dhaqdhaqaaqa Daacishta Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Duqeymo ka dhacay Degmada Qandala taa oo ay geysteen Maraakiib dagaal oo ay wataan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Somalia.

Duqeyntan ayaa lagu beegsaday sida la sheegayo xubno ka tirsan Ururka Daacish oo ku sugan qeybo ka mid ah Degmada Qandala, waxaana la soo warinayaa in ilaa Afar gantaal lagu riday Degmada, gaar ahaan goobaha ay Daacishta Somalia kaga dhuumaaleysaneyso.

Dadka Degmada ayaa sheegaya inay maqlayeen jug culus oo ilaa Afar ah, balse aysan qiyaasi karin halka ay Jugtaasi ku dhacday.

Waxa ay intaa ku dareen dadka deegaanka haraadiga ku ah in duqeynta ay geysanayeen Maraakiib dagaal oo Xeebta Degmada kusoo dhawaaday.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in qaar kamid ah gantaalada ay ku dhaceen Xarunta Degmada iyo Saldhigga Magaalada Qandala.

Degmada Qandala ayaa dhawaan waxaa la wareegy Unugyo ka tirsan Kooxda Daacish, oo dooneysa inay dhufeysyo ka dhigtaan Degmada.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Duqeyntaasi, inkastoo goobjoogayaal ay sheegen in gantaalada ay geysteen dhaawaca ilaa Shan ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News