29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Gadiid oo dagaalka Gaalkacyo lagu kala qabsaday lana gubay iyo dhimashada oo korortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socdo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo waaberigii saaka bilowday.

Ku dhawaad 15 ruux ayay sii mareysaa tirada askarta iyo rayidka ku dhintay dagaalka, waxaana ka badan dhaawacyada la dhigay xarumaha caafimaadka ee Gaalkacyo.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegaya iney qabsadaan gaadiid dagaal oo ciidamada Galmudug wateen. kaasi oo ay sheegeen iney kusoo bandhigeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha waxay sheegayaan in dagaalka sidoo kale ay ku gubeen gadiid dagaal oo Galmudug ay lahaayeen, ayna qabteen askar maamulkaasi ka tirsan.

Dhinaca kale Galmudug ayaa sheegtay in dagaalka ay kaga itaal roon yihiin maamulka Puntland.

Shacabka lagu dul dagaalamayo ayaa dalbanaya in dagaalka la joojiyo lana eego dhanka nabbada si xal looga gaaro dagaalada magaalada Gaalkacyo.

Dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ayaa kusii dhawaanaya muddo bil ah, waxaana wali jirin cid si rasmi ah u kala dhex gashay dhinacyada dagaalamaya.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News