30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Gudoomiye Jawaari oo dantiisa gaarka ah u tagay magaalada Baydhabo (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa tagay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ujeedada safarka Jawaari uu yahay mid loogu guurkagalayo doorashada aqalka hoose ee Baydhabo ka dhaceyso.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in Jawaari uu u tagay magaalada Baydhabo xaqiijinta kursiga xildhibaanimadiisa maadaama isaga kursigiisa laga soo dooranayo magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan qaban qaabashada doorashada aqalka hoose ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin badan oo doonaya iney xaqiiqsadaan xilkooda.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa doonaya inuu markale kasoo dhex muuqdo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Muddo afar sano ah ayuu si toos ah u dhameystay xilka gudoomiyenimada baarlamaanka dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News