Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaalka weli ka socda Galbeedka magaalada Gaalkayo ee xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo inta badan soo gaaray dadka shacabka ah ee ku kala dhaqan Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada.
Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa Sheegay in loo keenay Meydad iyo dhaawacyo farabadan.
Saraakiisha waxa ay intaa ku dareen in ilaa iyo hadda lasoo gaarsiiyay Meydad kor u dhaafay 8, halka dhaawacana uu gaarayo 11 ruux.
Dadka dhintay oo u badnaa shibil ayaa waxaa ku habsaday Madaafiic ay isku adeegsanayeen labada dhinac waxaana weli socda Dagaalka.
Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa weli is horfadhiya waxaana la maqlayaa Hubka culus iyo kan fudud.
Dhinaca kale, Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaan wali ka hadal Dagaalka socda ee Heshiiskii shalay lagu burburiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

