Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ka dhacay doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee Hirshabeelle.
Hoolka doorashada ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin farabadan oo ay ugu horeeyan Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle.
Musharaxiinta ku tartameysay doorashada ayaa waxa uu mid waliba xusulduub u galay sida uu ku guuleysan lahaa, inkastoo qaarkood laga itaal roonaaday.
HOOS KA AKHRISO LIISKA SENATAARADA LA DOORTAY
1. Cismaan Maxamed Macow (Jajeele)
2. Prof. Cismaan Maxamuud Dufle (Ujeejeen Mudulood)
3. Muuse Suudi Yalxow (Abgaal Mudulood)
4. Maxamed Xuseen Raage (Xawaadle)
5. Maxamed Cusmaan Faarax Dhagajuun ( Xawaadle)
6. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan (Abgaal Mudulood)
7. Fartuun C/qaadir Faarax (Karaama) (Jareer Sadex Cumaroow)
8. Naciima Ibraahim Sheekh (Gaaljecel)
Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dhameystiri doonaan doorashada labaad ee Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

