30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Muxuu Jeneral Gaafow ka hayaa Cadaado?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ee Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi gaaray maanta 10/11/2016, taliyaha Nabad sudgidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Gen. Cabdullahi Gaafow.

Imaanshaha Gaafow ee Cadaado, ayaa waxa la sheegayaa inay salka ku hayso sidii uu Xildhibaan ugu dhigi lahaa walaalkiis C/qaadir Gaafow oo dhawaan ka yimid dalka Canada.

Ilo wareedya kusugan magaalad Cadaado, ayaa waxa ay Caasimdda Online u sheegeen, in Gen. Gaafow uu wacad kumaray in uu walaalkiis ka dhiga Xildhibaan, wax kasta oo ay ku qaadato, si uu marka xilka uu hadda u hayo qaranka laga qaado ula wareego kursiga Xildhibaanimo, taasi oo ah tilaaba ay horay u qaadeen siyaasiyiin kale.

Mid ka mid ah Ergada beesha Habar-ceyn- ee Murasade, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa waxa uu sheegay in imaanshaha Jeneralka ee Cadaado uu culees ku yahay ergada.

Gaafow, ayaa horay ugu codsaday gudiga doorashooyinka ee Galmudug in aysan qaban liis ergo oo aan asiga soo marin, hasa yeeshee gudiga ayaa codsigaas ku gacan seeray, taasi oo soo dadajisay imaanshihiisa magaalada Cadaado.

Shalay ayay ahayd markii uu Gen. Gaafow kulan kula yeeshay qaar kamid ergada Habar-cayn ee dooraneeysa laba kursi, si ay ugu codeeyaan walaalkiis C/qaadir Gaafow, taasi oo ay dadka turxaan bixiya arrimaha Soomaaliya ay ku tilmaameen mid keeni karta in uu qofka codeynaya inuu codkiisa siiyo cid uusan aqoon amam uusan ku qanacsaneen barnaamijka uu wato.

Waxgaradka Beesha Murusade ayaa ugu baaqay dowladda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in beesha Murusade laga qabto Gen Gaafow oo isticmaalaya awooda qaranka si uu kursi ugu helo walaakiis ka yar Mr. Cabduqaadir.

Sidoo kale wax garadkaan ayaa waxa ay ugu baaqeeen gudiga doorashooyinka, in ay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqyada Jenralka, taasi oo hadii aan wax laga qaban keeni karta, in qaar ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee ka imaaneysa Galmudug, ay ku timaada si aan xalaal ahayn..

Cabashooyinka noocaani ah ayaa inta badan waxa ay yimaadaan xiliga doorashooyinka baarlamaanka Soomaliya, taasi oo ay sabab u tahay, in masu’uuliinta markaasi xilalka ka haya nidaamka sii dhacaya, in ay adeegsadaan awoodda dowladda, si ay ugu soo baxaaan jagada xildhibaannimo ama ay u soo saaraan ciddi ay markaasi ay ka lee yihiin dano gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News