27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Xog: CC iyo Axmed Madoobe oo dejiyey qorshe ka dhan ah musharaxa Shariif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Madaxweynaha maamulkaasi.

Kulanka Sharmaarke iyo Axmed Madoobe ayaa lagu lafa guray damaca Xildhibaan C/rashiid Xidig oo isaga doonaaya inuu isku sharaxo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somalia.

C/rashiid Xidig, ayaa waxaa wata Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan waxa uuna doonayaa in doorashada uu ka reebo Musharaxiinta Beesha Daarood ee dooneysa inay qabtaan Madaxtinimada Somalia.

Sharmaarke waxa uu Axmed Madoobe ka dhaadhiciyay in C/rashiid Xidig uu ka laabto go’aankiisa ku aadan inuu isku soo sharaxo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxa uun Sharmaarke sheegay in hadii Xidig isku soo sharaxo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay meesha ka bixi doonto hamiga Beesha Daarood ay ka leedahay in sanadkan ku guuleystaan xilka Madaxweynaha Somalia.

Sharmaarke iyo Axmed Madoobe waxa ay isku afgarteen in C/rashiid Xidig laga reebo musharaxnimadiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ayna isku fahmeen in arrintaani lagu fashiliyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

C/rashiid Xidig, waxa uu cod dheer ku sheegay inuu u tartami doono xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, waxa uuna shaqsigaani ka goos heystaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isagu doonaayo inuu booska kala baxo Beelaha Hawiye iyo Daarood oo ku loolamaaya Madaxtinimada Somalia.

Sidoo kale, Shariif Xassan oo isaga doonaaya inaan lagu cariirin xilka madaxtinimo, ayaa waxa uu dhaqaale xoogan ku bixinayaa Laba Siyaasi oo midkood yahay C/rashiid Xidig, halka kan kale uu yahay mid kasoo jeeda Beelaha Hawiye.

Qorshaha ugu weyn ee Shariif Xassan ayaa ah in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia uu noqdo Siyaasi kasoo jeeda Beelaha Hawiye ama Daarood si aan beeshaasi u noqon Madaxweynaha dalka.

Shariif Xasan waxa uu doonaya in labadaasi Siyaasi ay isku soo sharaxaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, si damaciisa Musharaxnimada xilka Madaxweynaha u mira dhalo, hadii midkood uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Sharmaarke ayaa isna raadinaya taageerada Xildhibaanada cusub ee ku guuleystay kuraaska Aqalka Hoose ee Jubbaland.

Lama saadaalinkaro natiijada kasoo bixi doonta qorshaha lagu fashilinaayo C/rashiid Xidig iyo Shariif Xassan, waxaana la saadaalinayaa in Xidig uu sameyn doono tanaasul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News