Muqdisho (Caasimada Online)-Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Bekar ayaa ka hadlay doorashooyinka Gobolada ka socda iyo tan guud ee la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.
Olgan Bekar oo marti ku ahaa TV-ga dowlada ayaa waxa uu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiyeen dhalinyaro farabadan oo iyaguna ka qeybqaadanaayay Barnaamijka ka baxaayay Tv-ga.
Olgan Bekar, waxa uu ku fogaaday arrimaha doorashooyinka iyo wixii lamid ah Horumarka Somalia.
Amb. Olgan Bekar waxa uu arrin wanaagsan ku sheegay qaabka ay Soomaalida isugu tashanayaan sanadihii ugu danbeeyay waxa uuna amaanay sida ay usoo noolaaneyso Somalia.
Amb. Olgan Bekar waxa uu tilmaamay inay ku qasban yihiin in Somalia ay ka taageeran Amniga, Horumarka iyo wax waliba oo baahi u heysa Dowlada Somalia.
Doorashada Somalia, ayuu sheegay inay taageerayaan waxa uuna ku celcelshay in Somalia aysan u baahneyn Madaxweyne xun oo aan aqoon u laheyn halka maslaxada Somalia laga baadi goobi lahaa.
Turkiga ayuu sheegay inaysan garan karin halka ay uga hari lahaayen Somalia, waxa uuna ballanqaaday in Somalia ay sii taageeri doonaan.
Sidoo kale, Amb. Olgan Bekar waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii doorashada Somalia aysan dib ugu dhici laheyn, isagoo sidoo kale sheegay xilliga Doorashooyinka Somalia in ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in la samata bixiyo Somalia si aan looga dib dhicin doorashooyinka iyo wixii khuseeya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

