27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Sawirro: Sidee C/wali Gaas loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehelinayey mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee maamulka Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Ujeedka Safarka C/wali ayaa ah mid salka ku haya Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee labada maamul u dhexeysa.

Gaas ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay damiyaan colaada waxa uuna farta ku goday in colaada socta ay ku dhamaaden dad farabadan, halka kuwo kalane ay ku barakaceen.

Gaas waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay isla garteen in si wada jir ah loo xaliyo colaada, waxa uuna qiray in colaada ay caqabad ku noqotay labada maamulka.

Waxa uu ballanqaaday in qaab waliba ay ku xalinayaan colaada socta, isagoo kaashanaaya waxgaradka labada dhinac.

hi-1 hi-2 hi-3 hi-4 hi-5 hi-6 hi-7 hi-8 hi-9 hi-10 hi-11 hi-12 hi-13 hi-14 hi-15 hi-16 hi-17 hi-18 hi-19 hi-20

- Advertisement -

Read more

Local News