Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday shirkii looga hadlaayay colaada Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo maanta ka furmay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo labada dhinac ay isla fahmeen kaasi oo xal waara looga gaarayo colaada maalmahaani ka dhex aloosneyd labada dhinac.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray ilaa Seddex qodob oo loo arkay in looga gudbikaro colaada taagan, waxaana shirka goobjoog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug iyo Ergayga gaarka QM u qaabilsan Somalia.
Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ahaa:
1-In xabbada la joojiyo oo la magacaabo guddi isku dhaf ah.
2-in labataanka bishaan la isugu tago magaalada Kismaayo .
3-In si dhab ah looga wada hadlo waxyaalaha muranka dhaliyay.


