32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xubno miisaan leh oo ku loolamaaya doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle goordhow dib uga bilowday doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose oo meel qabyo ah mareysay.

Doorashada inteeda badan ayaa waxaa isugu soo haray Xubno ka tirsan Dowlada Xassan Sheekh ee wakhtigeedu dhamaaday iyo xubno kale oo Ganacsato ah.

Xubnaha ku loolamaaya doorashada hadda socta ayaa waxaa kamid ah C/qaadir Cosoble iyo Muxudiin Xasan Jurus oo ah labo shaqsi oo aad caan ugu ah Siyaasada Soomaaliya.

Xubnaha uu hadda u dhexeeyo tartanka ayaa waxaa lagu wadaa inay ku kala baxaan doorashada, waxa ayna u badan tahay inuu soo bixi doono C/qaadir Cosoble.

Dhinaca kale, waxaa maalinta beri ah lagu wadaa in loolan uu dhexmaro xubnaha kale ee harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News