29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Guuleed oo si hagar la’aan ah u difaacay ina adeerkiisa sheegayna in Mareykanka uu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor ay Dowladda Mareykanka eedeyn kulul u jeedisay maamulka Galmudug, ayaa waxaa eedeyntaasi si kulul uga jawaabay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Guuleed, oo ka jawaabaya eedeyntaasi ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Mareykanka uu yahay mid aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda jirta.

Guuleed waxa uu sheegay in Dowlada Mareykanka ay dooneyso inay fashiliso Doorashooyinka ka socda Somalia, waxa uuna beeniyay inay jiraan warxumo tashiilka ay faafineyso Mareykanka.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Doorashada Aqalka Hoose in ay u socoto sidii loogu tallo galay waxa uuna waxkama jiraan ku sheegay inay jiraan fara gelin, isagoo sidoo kale sheegay Doorashada in ay kor kala socdaan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.

Guuleed, waxa uu sidoo kale, sheegay inaanu jirin wararka sheegaya in Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Somalia Mahad Maxamed Salaad ay soo doorteen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Guuleed, waxa uu cadeeyay in Dowlada Mareykanka ay u taagan tahay burburinta nidamyada dowliga ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Galmudug aysan aqbali doonin haddalka kasoo yeeray Mareykanka.

Haddalka Guuleed ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Mareykanka ay ku baaqday in Liiska Xildhibaanada laga saaro ilaa Afar Xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News