28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Gaas oo Shiinaha u tagaya qorshe culus oo Puntland ay waddo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwynaha Puntaland oo la filayo in maanta  u duulo dalka Ethiopia ayaa uga sii gudbi doona wadanka China, sida ay ogaatay Caasimada Online

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland habeen dambe ka dhoofi doono magalada Addis Ababa isagoo halkaas uga sii ambabaxi doona wadanka China magaaladiisa Shangahai.

Gaas ayaa safarka waxaa ku weheliya wasiirkiisa ganacsiga, wasiiru dowlaha kaluumeysiga, agaasime ku xigeenka hay’ada shidalka taasoo hoos timaada xafiiska Cabdiweli Gaas iyo xogheyn ka tirsan xafiskiisa.

Safarka Gaas ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro kulamo uu la yeelanayo shirkado kaluumeysi iyo kuwo shidaal kuwasoo wadahadal uga socdey bilihii u dambeeyey magalada Addis Ababa.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in safarka madaxwynaha Puntland uu la xiriiro maalgalin uu shirkadahaas uga raadinayo dekad laga dhiso tuulada Garacad ee ku taal gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News