Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow Hogaamiyayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa sheegay in labada Hogaamiye ay dhawaan ku kulmi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa lagu dhameystiri doonaa kulan horay qabyo ugu ahaa kaas oo ka dhacay dalka Kenya.
Kulamadii hore iyo kan hadda ay ku ballansan yihii labada Hogaamiye ayaa ah mid salka ku haya Doorashooyinka Somalia iyo sidii looga guuleysan lahaa Musharaxa Madaxtinimo Xassan Sheekh Maxamuud.
Labada Hogaamiye ayaa kulankooda Nairobi ku kala qaadan doona macluumaad kala duwan, iyadoo ay xusid mudan tahay in labada Hogaamiye Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay kaalmaha koowad uga jiraan Siyaasiyiinta ka shidaal qaata Dowlada Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale, waxa ay kulankooda kadib shir gaara la qaadan doonaan Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia si ay u kala qaatan macluumaadka ku saabsan Doorashada Somalia iyo halka ay wax marayaan maadaama Danjiraha uu Saldhig ka dhigtay Nairobi.
Si dhab ah looma oga natiijooyinka kasoo bixi doona kulamadaani soo noq noqday ee u dhexeeya Hogaamiyayaasha Gobolada dalka iyo Imaaraadka Carabta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

