Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ayaa ka dhacday magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, waxaana kusoo baxay shaqsiyaad horey dowlada kaga tirsanaa.
Magaalada Jowhar doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku tartamayay Wasiiro dowlaha maaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur oo kasoo jeeda beesha Agoonyar ee Harti Abgaal iyo Bashiir Caddow Calasow, Salaad Cali Jeelle iyo Dahir Dayax.
Kursigaasi ayaa ahaa mid si weyn isha loogu hayay maadaama ay ku tartamayeen wasiiru dowlaha iyo xildhibaan hore Salaad Cali Jeele.
Wasiiru dowlaha Maaliyada ayaa helay 28 cod halka Bashiir Caddow Calasow uu helay 21, waxaase min hal cod helay Salad Cali Jeele iyo Daahir Dayax.
Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo ka dhacday doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka,waxaana kusoo baxay xildhibaan C/salaan Sheekh Xasan Barsane, Cusmaan Maxamed Cabdi iyo Maxamed Abukar Islow (Ducaale), waxaana labo kamid ah musharixiinta ay taageersan yihiin C/qaadir Cosoble oo ah musharax madaxweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

