Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa Beerta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari BL ah (Caasi), waxaana gacanta lagu dhigay wadihii gaariga oo isku dayay inuu ka baxsado goobta.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in la eryanaayay gaariga, waxa uuna wadaha ka degay goortii uu kawarhelay inay daba socdaan Ciidamada amaanka.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 20 ruux tiro ka badan 28 qofna waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.



