Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo wali ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa kulamo kala duwan madaxtooyada maamulka Kula qaatay xubno ka kala tirsan labada Aqal ee dhawaan lagu doortay magaalada Kismaayo.
Kulanka Ra’isul wasaare Cumar iyo xubnaha labada Aqal ayaa salka ku hayay Doorashooyinka ka socda dalka iyo Doorashada Madaxweynaha ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo dalka.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa xubnaha uga hambalyeyay guusha ay ka gaaren Doorashada waxa uuna ugu baaqay inay muujiyaan dhabar adeeg.
Sharmaarke waxa uu xubnahaasi sharaxaad kooban kasiiyay qaabka la filaayo inay u dhacdo Doorashada waxa uuna kula taliyay inay ka fiirsadaan shaqsiga ay Xildhibaanada u dooran doonaan Madaxweynaha cusub.
Sharmaarke waxa uu si gaara Xildhibaanada uga dalbaday inay u codeeyan maadaama uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxweyninimo.
Waxa uu sheegay inay wanaagsan tahay in wakhtiga la joogo lagu tijaabiyo Madaxweynaha cusub ee Somalia.
Xubnaha uu Sharmaarke la kulmay ayaa dhankooda kasoo dhaweeyay fekerka Cumar C/rashiid waxa ayna cadeeyen in mowqifkooda uu yahay inay la imaadan shaqo ka duwan kan ay hayeen Xildhibaanada uu wakhtigooda dhamaaday.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

