Jeddah (Caasimada Online) – Urur islaami oo caalami ah ayaa ka digay in APPS qur’aan oo wax laga beddelay lasoo dhigay baraha Google Play iyo Apple Store ee lagala soo dego Apps-ka.
Google Play waxaa laga helaa APPS-ka Android oo ah barnaamijka ay ku shaqeeyaan taleefonada Samsung-ka iyo HTC-ga iyo kuwa kale. Halka Apple Store laga soo dego Apps-ka ku shaqeeya taleefonada iPhone-ka.
Bayaan uu axaddii soo saaray ayaa ururka caalamiga ah ee xifdinta qur’aanka, Holy Quran Memorization International Organization (HQMI), waxa uu ku sheegay inuu helay ashtakooyin ku saabsan in APPS-kan qaarkood laga helay qaladaad qur’aan.
Ururkan ayaa sheegay in qaladaadka ay arkeen ay ka mid yihiin xarfo ama erayo qur’aan oo gebi ahaan ka maqan APPS-ka.
“Xitaa bogag ka mid ah qur’aanka ayaa gebi ahaan la tiray, haddii ay tahay mid si ku talo-gal ah loo sameeyey iyo haddii kaleba” ayuu yiri ururkan Islaamiga ah.
Bayaanka kasoo baxay ururkan ayaa looga codsaday Muslimiinta inay ka feejignaadaan APPS-kan. Inta badan APPS-ka qaladaadka lagu arkay ayaa ah kuwo bilash ah oo aan la iibin.
Ayada oo sanaddii 2000 lagu aas aasay magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia, Ururka HQMI ayaa waxa uu sheegay in hadafkiisu yahay in mulimiinta la baro xifdinta qur’aanka iyo macnihiisa.
Warkaxaa waxaa faafisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu. Halkan ka aqri warka oo Anadolu oo English ah. http://aa.com.tr/en/todays-headlines/islamic-body-warns-of-distorted-quran-apps/698913
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

