Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan Madaxtooyada Jubbaland ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Kulanka ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayay arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan taageerida Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh ayaa inta uu kulanka socday Hogaamiyaha Jubbaland ka dalbaday Taageero maadaama wakhtiga Doorashada ay nagu soo dhawaatay.
Xasan Sheekh waxa uu Axmed Madoobe ka dalbaday in lagu soo xiro dhammaan Xildhibaanada BFS kasoo galay dhanka Kismaayo si ay codadka u siiyaan, waxaana arrintaasi la sheegay inuu ka hor imaaday Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa Xassan Sheekh u ballanqaaday keliya inuu ka saacidi doono isku xirka isaga iyo Xildhibaanada balse waxa uu ka cudur daartay in Xildhibaanada uu u sheego inay doortan Xasan Sheekh.
Axmed Madoobe waxa uu Xasan Sheekh u sheegay in dalabka noocaasi ah uu horay uga diiday Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.
Madoobe waxa uu tilmaamay in Cumar C/rashiid uu ku xiray keliya Xildhibaanada labada Aqal, balse uusan u sameynin ololo gaara.
Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu sheegay haddii ay noqoto ololo ay Jubbaland garab istaageyso Cumar C/rashiid oo ah shaqsigii ugu horeeyay ee Jubbalan ka dalbaday taageero.
Xasan Sheekh ayaa ku fashilmay inta badan ololihii uu u tagay magaalada Kismaayo, maadaama Hogaamiyaha maamulkaasi uu sheegay in Cumar C/rashiid uu horay uga dalbaday taageero.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin dhowr ah kuwaasi oo doonaya in Hogaamiyaha Maamulka ay ka dhaadhiciyan ololahooda.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

