25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh qabtay inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan cidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland oo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar ciidan uga socday xaruntii hore ee Jaamacadda Kismaayo ee duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada uu Xasan Sheekh tababarka usoo xiray ayaa waxaa cadadkooda lagu sheegay ilaa 1264 askari oo Militery ah.

Ciidamadaani ayaa waxaa tababarka siinayay macallimiin isugu jiray Soomaali iyo kuwa ka socday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan ayaa salaan sharaf ka qaatay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee goobta ku sugnaa, waxa uuna Xasan Sheekh ciidamada u ballanqaaday in lagu sameyn doono isbedel.

Xasan waxa uu sheegay in Dowlada iyo Wasaarada Gaashandhiga ay iska xilsaari doonaan xuquuqda ciidamada.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto sidii ciidamadu ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda, isagoo ku booriyay ciidamada tababarka loo soo xiray in ay u hogaansamaan awaamiirta taliyeyaashooda, islamarkaana dalkooda ka difaacaan cadawga.

Madaxweyne Xasan ayaa magaalada Kismaayo u jooga howlo la xiriira ololihiisa waxa uuna halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16

- Advertisement -

Read more

Local News