28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Meydadka afar qof oo Muqdisho laga helay oo dhaliyey arrin…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi laga helay Meydadka Afar ruux oo shibil ah.

Meydadka afarta ruux ayaa waxaa laga helay God la sheegay in marxuumiinta ay ka qodanayen Kaawo kaasi oo la sheegay inuu la dumay xili marxuumintaasi ay ku howlanaayen shaqo maalmeedkooda.

Meydadka afarta ruux ayaa waxaa lagu wareejiyay Eheladooda oo nolol iyo geeri ku la’aa, sida laga soo xigtay Maamulka Degmada Kaaran.

Meydadka afarta ruux ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo kasoo gaaray dhag-xaanta kusoo kor dumay, sida ay sheegen dad goobjoog ah.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa inta badan ka dhaca musiibo ka dhalata burburinta Kaawada lagu dhiso guryaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News