Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Bishii September ee sanadkan dowlada Somalia inta badan dalka ka mamnuucday keenista qaadka ka imaan jiray dalka Kenya muddo todobaad ah, ayaa waxaa arrintaasi xal looga gaaray Shirkii Urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirkii Urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa isku arkay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Kenya oo shirka kadib isku fahmay in Dowlada Somalia ay dib u fasaxdo qaadka laga keeno dalka Kenya ee kasoo dega magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkii.
Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ayaa wadahadal dheer kadib kala saxiixday heshiis lagu fasaxayo qaadka laga keeno dalka Kenya, waxaana kamid ahaa waxyaabaha lagu heshiiyay In Qadka ka imaada dalka Kenya la keeno magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee laga xanibay.
Qodobka lagu fasaxaayo qaadka ayaa waxaa watay Dowlada Kenya oo dareen gaara ka muujisay go’aanka ay Dowlada Somalia ku xanibtay qaadka ka imaan jiray dalkeeda.
Sharuudaha Dowlada Kenya iyana laga saxiixay ayaa waxaa kamid aheyd In Muwaadiniinta Soomaalida si sahlan lagu siiyo Fiisooyinka dal ku galka dalka Kenya oo dhibaato farabadan ay kala kulmaan Umadda Soomaaliyeed kuwooda safar doonka ah.
Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta waxa uu dhankiisa ku saxiixay inaan Garoomada dalka Kenya, gaar ahaan Garoonka degmada Wajeer lagu dhibikarin rakaabka Soomaalida ee sida ba’an loogu baaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo uu sheegay in saddex bil gudahood lagu qaadi doono.
Soomaalida u safarta dalka Kenya ayaa waxaa lagu hormariyaa Garoonka degmada Wajeer oo dib loogu baaro Boorsooyinkooda, iyadoo aan la eegin baaritaanka lagula sameeyay Garoonka Muqdisho.
Dowlada Somalia ayaa si rasmi ah u dhaqan galisay Heshiiska lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho inta uu socday Shirka Urur Goboleedka IGAD, halka Dowlada Kenya aysan wali ka dhaqan galin Heshiiska, ayada oo ay dhammaatay saddexda bil ee Kenya ay qabsatay oo maanta ku eg.
Dowlada Kenya ayaa si joogta ah Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka uga soo dajisa Diyaarado qaad ah kuwaasi oo laga kala keeno Gobolada Kenya ee uu qaadka ka baxo.
Heshiiska ayaa waxaa iminka kasoo wareegatay Muddo 3 Bil ah, waxaana muuqata in heshiiska waqtigii loo qabtay uu dhamaaday, isla markaana Dowlada Kenya aysan u nugleyn dhaqan galinta Heshiiska.
Dowlada Kenya si bareer ah ayay u jabisay Heshiiska ay la gashay Somalia, waxaana arrintaasi u yeelay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo aan iska xil-saarin talaabooyinka maslaxada u ah Umadda Soomaaliyeed.
Dad badan ayaa markii horeba shaki ka qabay ballan-qaadka Kenya ee arrinta Wajeer, waxayna u arkeen kaliya inay dowladda Soomaaliya uga dhameysatay in la qaado xayiraadda qaadka.
Waxaa iminka caddaatay in Xasan Sheekh laga siyaasad badiyey, ayada oo Uhurru uu xaqiijiyey danta dadkiisa iyo dalkiisa, halka Xasan lagaba yaabo in aanuba xusuusan arrintan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

